Xakamaynta damqashada

Maanta si wanaagsan ayaynu u naqaanaa damqasahda iyo kaar jabiyayaasha. Tani waxa ay ka dhigan tahay in aynu ka hortagi karno oo aynu siin karno dhamaan bukaankeena, wayn iyo yaraan, xakamaynta damqashada markaba.

Xakamaynta damqashadu ee markaa waxtarka leh ee ilmahaaga waxa ay u shaqayn kartaa si dhakhso ah, oo waxa ay ka caawin karaa daawaynta iyo kasoo kabashada.

Shaqaaluhu waxa ay isku dayi doonaan inay baajiyaan damqashada, wax aay qiimayn doonaan baahida kaar jabiyaha, waxayna u siin doonaan sida loogu baahdo kaar jibiyaha, oo waxa ay eegi doonaan wixii lasoo qabtay. Waalid ama koriye ahaan, waxa aad nagu caawin kartaa adiga oo noo sheegaya marka aad u aragto in ilmuhu uu qabo damqasho, iyo in uu wax u taray kaar jabiyuhu.

Tani waxa ay bilaabantaa wakhti hore. Tani waxaa loo sameeyaa in lagu dhiso heerka kaarjabiyaha ee dhiiga taas oo ka dhigan in jidhku uu ka jawaabayo danqashada oo markaa lagu yaraynayo oo badanaa lagu yaraynayo kaar jabiyaha. Si xataa dawada oo qasan ay jidhka ugu jirto, si markaa saamayn ugu wanaagsan loo helo oo la iskaga ilaaliyo "damqashada ugu sareysa", ilmahaagu waxa sidoo kale si joogto ah loo siin doonaa kaar jabiye, xataa hadii aad moodo in aanu wax damqasho ah qabin. Marka si joogto ah loo siiyo kaar jabiyaha oo markaa laga hortago damqashada, xadi yar oo dawooyin ah ayaa loo baahdaa in la siiyo. Tani waxa ay sidoo kale yaraysaa saamaynta caafimaad darada kale sida calool istaag iyo yalaalugo.

Isku darka dawooyinka u shaqeeya qaababka kala duwan ee qaababka kala duwan loo siiyo ayaa badanaa loo isticmaalaa si markaa natiijada ugu wanaagsan ee markaa xakamaynta damqashada.

Waxaa caam ah in dawada kaarjiga ah toos looga siiyo wareega dhiigaxididka ah. Markan oo kale, dawooyinka waxaa lagu siin karaan irbadama dhincooo markaa damka dawada ah. Kaar jabiyaha waxaa sidoo kael laga soon karaa afka iyada oo markaa kiniin ama dareere ah.

Kaar jabiyaha oo uu la socdo suuxdinta aaguwaxay ka dhigan taahy in dawado ma marin doono ama lagu mudi doona maqaarka shakhsiga ama loogu celcelin doono xadiga ama dhibco ahaan lagu siin doono. Suuxdinta agaanu waxa ay ka hortagtaa in damqashu ay u gudubto neerfaha oo ka shaqeeya aaga dawada loo isticmaalay. Kimiinka suuxdinta, ee ilmaha lasiinayo kahor inta aan tuunbada lagu dhaadhicin, waxaa weeye nooc min suuxdinta aaga ah.

Hadii uu kaar jabiyuhu wax u tarayo xanibaada neerfaha suuxinta aaga ayaa lagu mudaa meel u dhaw aaga xidhmada neerfaha si markaa loo khalkhaliyo ama loo xanibo in calaamadu u gudubto neerfaha. Xanibaada neerafka waxaa lagu bixin karaa daawayn kaliya ama in lagu mudo tuunabo dhuuban oo markaa dawada lagu bixiyo wakhtiga qaliinka iyo kadib.

Ebidheeralayaa ah tusaale xanibaada neerafka halkaas oo suuxdinta ilmaha lagu siin karo tuunbo yar oo dhuuban oo markaa dhabarka laga geliyo. Marka ebidheeraal la isticmaalo, suuxdintu waxa ay saamayn kartaa kaadi haysta marar badan, taas oo markaa ka dhigan in ilmuhu aanu ogayn marka ay kaadidu dhaafto. Badnaa, ilmuhu waxa uu ku kaajagaa katiitarka. Tani waa tuunbo ay kaadidu kusoo dhaafi karto marka kaadi haysta ay soo dhaafto. Ebidheeraal waxa uu saamayn karaa awooda iyo dareenka lugaha. Waxaa muhiim ah in ilmaha loo sheego arrintan oo tuunbada caaga ah ee yar ayna ku keeneynin wax dhaqaaaq ah marka uu dhaqaaqo ama uu dhabarka sariinta ugu jiifo.

Morfiin ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee loo isticmaalo kaar jabiyaha hadii ay jirto qaliin ama dhawacyo aad u darani. In balwad loo yeeshaa ma timaado marka morfiinta qayb kamid ah jidhka loo isticmaalo kaar jabiye ahaan. Hadii ilmaha lasiiyo moorfin mudo dheer, waxaa marka danbe hoos loo dhigayaa xadiga si markaa looga hortago inuu la qabsado oo marka laga daayana mushkilad ay ku keento.