Waxaad ku soo dhawaataa MediPrep

Halkan, carruurta dhammaan da’ kasta iyo heerarka garaadka, waxay baran karaan wax badan oo ku saabsan jidhka, siday u eegtahay in la joogo isbitaalka oo maxaa dhacaya ka hor, muddada iyo ka dib suuxdinta iyo qaliinka. Halkan, adiga waalid ahaan sidoo kale waxaad u diyaar garowdaa booqashada isbitaalka ilmahaaga.

Caruurta iyo dadka dhalinyarta ahi waxa ay ka warwari karaan booqashada daryeelka caafimaadka iyo qaliinka iyo isku buuq. Waxaa dhici karta inuu galo meel cusub oo aanu garanaynin, inuu la kulmo dad cusb, oo markaa hawl cusub oo maalintii ah loo diro. Waa la baadhi karaa, laga qaadi karaa muunado si shaybaadh loogu sameeyo, waxa loo samayn karaa daawayn, oo waxaa dhici karta in la qalo iyada oo suuxdiso la isticmaalayo. Dhacdooyinka iyo khibradaha noocan ah waa la xasuustaa hadii lagu guulaystay, iyo si gaar ah, hadii wax mushkilado ama cilado lagala kulmo ama ay mushkilad ay keento daawayntu. Taasi waxa ay keeni karaa saamayn mudo yar ama mudo dheer ah oo caruurta ah, dadka dhalinyarta ah, iyo qoysaska, markaa waxaa dadaal kasta loo geli karaa si markaa loo yareeyo saamayntiisa.

Diyaar garawga munaasabka ahi waxa uu yareeyaa warwarka iyo isbuuqa caruurta iyo dadka dhalinyarta ah. Waxa ay taasi fududaysaa nidaamka oo waxa ay soo gaabisaa mudada iyo saamaynta xun ee mustabalka. Waxa ay ka caawinaysaa qofka inuu la tacaalo wixii dhaca, oo uu markaa si dhaanta uga jawaabo wixii daryeelka iyo daawaynta caafimaad ee mustaqbalka ah. Si ay u fahmi karaan waxa ay maqleen, akhriyeen arkeen oo ay la kulmeen, waxaa sidoo kale muhiim ah in caruurta iyo dadka dhalinyarta ah lasiiyo fursad soo noqnoqata oo markaa ay iskugu diyaarin karaan dariiqooyinka kala duwan.

Waalid ahaan ama masuul ahaan, waxaad og tahay waxa u wanaagsan ilmahaaga. Adiga ayaa ah xidhiidhka ugu muhiimsan ee ilmamah iyo dadkaayaga ka shaqaynaya isbitaalka ah. Marka adiga ayaa ah caawiye wax ku ool ah oo ilmahaaga ah. Waxaa muhiim ah inaad dareento in si wanaagsan aad ula socoto oo markaa aad ilaaliso xaalada. Markaas, aan kaa caawino inaad u diyaar garowdo oo aad si wanaagsan u fahanto.

Fadlan sidoo kale noo sheega hadii adiga ama ilmahaagu uu aad uga warwarsan yahay waxa dhici doona, ama hadii aad qabto tabasho kale. Waxa aanu halkan u joognaa in aanu kaaga hawaabto su'aalahaaga iyo in aanu ku caawino.