Waxa aad u diyaarisaa caruurta iyo dadka dhalinyarta ah joogitaanka isbitaalka, suuxdinta iyo qaliinka

Diyaar garawga saxda ahi waxa uu yareeyaa isku buuqa iyo warwarka caruurta iyo dadka dhalinyarta ah.

Waxa markaa taasi fududaynaysaa qaliinka oo waxay yaraynaysaa wixii saamayn caafimaadka ah ee mudada gaaban iyo mudada dheer ah. Waxa ay kaa caawinaysaa inaad la tacaasho wixii dhacay, oo aad markaa ula tacaasho si dhaanta wixii daryeelka mustaqbalka ah iyo daawaynta.

Diyaar garawgu waa inuu noqdaa mid socda: waxa aad siisaa caruurta dhawr dariiqo oo ay markaa u fahmaan waxa ay maqleen, akhriyeen, arkeen, iyo ay dareemaan. Waxa aad ka caawisaa inay booqdaan meelo kala duwan oo websaytkeena ah oo waxa aad akhridaa bogagan dhawr jeer. Waxa aad sidoo kale ku dhiiri gelisaa inay wax u sawiro, duubo, qoro ama uu muujiyo qaabab kale oo fikirkiisa iyo su'aalihiis ah.

Daryeelka caafimaad iyo daawaynta hore waxa ay kordhin kartaa warwarka iyo isku buuqa, gaar ahaan kadib khibrada xun. In la filo isku mid ama kasii daran waa caan, laakiin badanaa khibrada wanaagsan waxa ay joojin kartaa wareegaas. Korniinka iyo hormarka ilaa markii ugu danbaysay waxaa dhici karta inay badasho diyaar garawga uu u baahan yahay iyo waxa uu fahansan yahay. Waxa aad isku daydaa inaad sawir ka haysato heerka fahanka wakhtigan ee ilmahaaga, waxaanad markaa ugu diyaarisaa ilmahaaga adiga oo taas ka duulaya. Waxa aad isticmaali kartaa barnaamijyada diyaar garawga ee la bixiyo, hadii aad u arato in kaliya lagu soo celinayo waxa dhacay intii lagu jiray booqashada isbitaalka ee hore. Ilmahaaga waxaa dhici karta inuu iloobay waxa uu hore u ogaaday, oo waxaa dhici karta inuu koray oo markaa wax badan uu fahmi karo.

Da'da ilmahaagu wax kasta ha noqotee, waxa aad daacad ka noqotaa ka caawinta u diyaarinta wakhti fiican kahor. Wakhtiga wanaagsani waa marka uu ilmahaagu uu nasanayo, uu doonayo inuu wax ogaado oo uu markaa xiisaynayo waxa dhici doona inuu ogaado. Waxa aad la socotaa fikirkiisa iyo jawaab celintiisa ka iman karta joogitaanka isbitaalka, suuxdinta iyo qaliinka.