U diyaar garawga wakhtiga hore ee suuxdinta

Caafimaadka ilmaha waxa uu si wayn ula xidhiidhaa suuxdinta. Waxaa markaa lagaa waraysan doonaa:

  • Wixii xanuun ah ee wakhtigan ama hore
  • Xasaasiyado
  • Dawooyinka uu iminka qaato ama kuwa uu bishii lasoo dhaafay qaadanayay
  • Suuxdinta hore iyo wixii mushkilado ah ee kale
  • Qof kamid ah qoyska oo markaa mushkilad kala kulmay suuxinta
  • Miisaan
  • Ilmo dhacsi ama ilko dacawo
  • Ku xanuunsasho socdaalka ama xanuun kadib suuxdinta ama qaliinka
  • Isticmaalka tubaakada ama faybka
  • Uur
  • Wax xaalad xun hore ee daryeelka caafimaad ah

Gaar ahaan, fadlan u sheeg suuxiyaha hadii ilmahaagu uu qabo ama uu dhawaan uu ku dhacay duray ama mushkilad kale oo neefsiga ah. Tani waxa ay kordhisaa mushkilada khatarta la xidhiidha suuxdinta iyo qaliinka taas oo markaa loo baahan karo in dib loogu dhigo mar kale, iyada oo markaa degdeg ah moojee.