Qolka qaliinka

Marka la yimaado qolka qaliinka, waalidka ama koriyaha ilmaha waxaa caadiyan loo ogolaadaan inuu soo galo tiyaatarka qaliinka.

Waxaa lagaa dalban doonaa inaad xidhato dharka, kooriyada iyo kabaha qolka qaliinka. Ilmahaaga waxaa kadibna la gayn doonaa tiyaatarta qaliinka oo markaa waxaa la saari doonaa miiska qaliinka. Inta la wado hawsha diyaarinta iyo siinta qaliinka, waxa aad garab fadhiyi doontaa miiska oo waxa aad gacanta hayn doontaa ilmaha. Marka uu ilmahaagu seexdo, waxa lagaa saari doonaa tiyaatarka.

In la gam'aa waa degdeg ayaamahan. Tan, iyo inaad ilmahaaga kaga tagto dad kale, waa shay adag badanaa. Dareenkaas waxa wadaaga badanaa dadka kuwaas oo markaa xaaladan ay soo marto, oo waxa aad dareemaysaa waa caadi. Laakiin, waxa aad dareemi kartaa deganaansho iyo amaan maadaama oo ilmahaaga si wanaagsan ay ula socod doonaan inta qaliinku uu socdo oo dhan, oo shaqaalaha ku sugan qolka qaliinka waxay dhamaantooda yaqaanaan suuxdinta oo waxa ay mar kasta suuxiyaan caruurta da'da ah.

Inta uu ilmahaagu uu ku jiro tiyaatarka qaliinka, waxa aanu kugula talinaynaa inaad isdajiso oo aad nasato oo aad markaa cunto iyo cabitaan doonato. Tani waxa ay keeneysaa in taageerada ugu wanaagsan inaad siiso ilmahaaga marka uu qaliinka kasoo baxo.