Qolka kasoo kabashada

Dhamaadka qaliinka, ilmahaaga waxaa la gayn doonaa qolka kasoo kabashada. Waxaa laguula soo xidhiidhi doonaa marka la gaadho wakhtigii aad halkaa tegi lahayd. Fadlan markaa waxa aad xaqiijisaa inaad taleefanka lagugula soo xidhiidhi, aad joogto qolka lagu sugayo, ama meel u dhaw.

Qolka kasoo kabashadu waxaa weeye caadiyan meel wayn oo markaa dhawr bukaan oo kala duwan lagu daryeelo. In wax lagu cuno ama cabo waa ka mamnuuc qolka kasoo kabashada maadaama oo ay markaa khalkhalin karto ilmaha iyo bukaanka kale ee markaa la qalay.

Taleefanka gacanta waa in la geliyaa saylan. Waxa aad diri kartaa fariin qoraal ah laakiin hadii aad doonayso inaad taleefan dirto, fadlan waxa aad banaanka uga baxdaa qolka kasoo kabashada.

Caruurta iyo dhalinyarada qaar way isku buuqaan oo markaa waxa ay u baahdaan in la dejiyo, laakiin badanaa caruurta waxa ay dareemaan daal oo markaa waxaa ugu wanagsan waa inay wakhtigooda soo toosaan. Dhamaan bukaanka waxaa la siinayaa ogsajiin oo markaa wajiga kaga xidhan. Neefisiisa, garaaciisa wadnaha iyo heerarka ogjasiintiisa si taxadir leh ayaa loola soconayaa. Marka uu ilmuhu buuxiyo shuruudaha la bixitaanka isbitaalka ee qolka kasoo kabashada, waxa lagu celin doonaa waadhka ama waxaa loo dirayaa guriga.