Waxa aad caruurta iyo dadka dhalinyarta ah siisaa dhawr fursadood oo ay ku fahmayaan wixii dhacay. Tani waa isku mid hadii markii ugu horeysay ay tahay iyo hadii ay ka badan tahayba hal mar. Aragtidooda ayaa isbadali kara marka ay isku arkaan waxyaabo kala duwan, korniinka oo way waynaadaan. Waxa aad isku daydaa inaad sawirato qaabilaada ilmahaaga ee iminka oo waxa aad isku daydaa inaad ka caawiso la qabsigeeda.

Kala hadal ilmahaaga siday u arkaan joogitaanka isbitaalka. Aqoonso oo ka jawaab xaaladiisa iyo dhacdooyinka ku xeeran taas oo ah nidaam muhiim ah. Waxa aad ilmahaaga ku dhiiri gelisaa inuu ku waydiiyo su'aalo oo uu dareenkiisa kuu sheegto. Waxaad wada dul martaan dhacdooyin isaga oo waxa aad isku daydaa inaad u qaabayso wixii ka kala daadsan. Waxa aad ka caawisaa inuu dib u eego cid kale oo xaalaas oo kale ay soo martay.

MediPrep waxaa wax wayn u tari kara. Wax aaanu kugu dhiiri gelinaynaa waalid ahaan ama koriye ahaan in aanu ku dhiiri geliso ilmahaaga inuu si joogto ah u booqdo MediPrep iyo baraha bulshada ee uu heli karo xataa wixii ka danbeeya joogitaankiisa isbitaalka.

Waxa aad la xidhiidhaa adeegyada caafimaadka hadii aad qabto wax su'aalo ah ama wax aad ka shakidaa hadii ay jirto. Waxa aanu rajaynaynaa in aanu caawimaad iyo taageero ku siino.

Boy with blue and round glasses is lying in bed looking at a tablet.