Kurayga

Sanadaka kurayga waxaa weeye wakhtiga ugu wayn nolosha korniinka qofka, waxaana ka buuxa isbadalada jidhka iyo dareenka. Waxaa caam ay ku yihiin warwarka in aanu ilmuhu caadi ahayn ama aanu waxtar lahayn.

Kuraygu waxa ay u arkaan in wax kasta oo ku gedaamani ay xalismi doonaan. Waxa ay badanaa u arkaan in cid kale ayna marin waxa ay mareen ama ayna yeelan dareenka ay qabaan. Aqbalaada shaqada jidhka maadaama oo la qabo xanuun waxaa weeye wax ayna u adkaysan karin kuraygu, maadaama oo ay dareensiiso inayna dhamaystirnayn oo markaa ayna majaraha u haynin.

Sanadaha dhawr iyo toban jiradu waxaa weeye wakhtiga xoraynta iyo baahida gaadhista go'aanka shakhsi ahaaneed. Kuraygu waxa ay leeyihiin baahi wayn oo ah inay intay dib u joogsadaan ay markaa eegaan sharaftoda iyaga oo markaa ka fogaanaya qoyskooda. Korodhka ku tiirsanaanta, kaas oo markaa noqon kara raad dabiici ah oo xanuunka, ayaa markaa ku noqon kara wax adag. Laakiin, wajiga adag, waxa aad arko karaa oo ka danbeeya qof wayn, oo wax ka shakisan oo warwarsan kaas oo markaa kaalmo wayn u baahan, oo, marka si niyad ah loola sheekeyso, ka hela caawimada iyo taageerada.

Wixii la xidhiidha suuxdinta, waxaa badanaa jirta baqdin la xidhiidho in uu qofku soo tooso iyada oo dhabtanka lagaga jiro qaliinka ama inuu soo toosi waayo wixii intaa ka danbeeya. Waxa ay badanaa ka warwaraan in xakamuhu ka lumo, inay yidhaahdaan waxaan munaasab hayn iyo inay markaa soo dhaafto kaadidu ama saxaradu.

Caruurta dhawr iyo toban jirada ah waxaa loo baahan yahay in loola dhaqmo, qadariyo oo loo diyaariyo sida qof wayn oo kale. Waxa ay guud ahaan leeyihiin aqoon jidheed oo ku filan oo ay ku fahmi karaan sida jidhka iyo nidaamka unugyadu u shaqeeyaan. Waxa ay ka fikir karaan mala waalka, waxa ay ka qaadan karaan sawir macluumaadka la siiyay oo waxa ay saadaalin karaan natiijada ficilka. Markaa caruurta dhawr iyo toban jiradu kaliya kuma qanacsana in loo sheego waxa dhici doono inta qaliinka ama daawayntu socoto. Waxa ay u baahan yihiin macluumaad dheeraad ah oo hawsha oo dhan ah, noocyada shaybaadhada iyo daawaynta la samayn doono iyo waxa ay noqonayso saamaynta la filan karaayi. Caruurta dhawr iyo toban jirada ah waa in lagu dhiiri geliyaa inay waydiisaan su'aalo oo markaa laga qayb geliyaa go'aamada, su'aalaha iyo jawaabaha madalaha ah iyo wixii go'aan ah ee ku saabsan. Diyaar garayntoodu waa inay wakhti kahor bilaabantaa oo markaa la siiyo wakhti ay kaga fikiraan.