Jawaabta caruurta iyo dadka dhalinyarta ah inta ay joogaan isbitaalka, suuxdinta iyo qaliinka

Jawaab celinta caruurta iyo dadka dhalinyarta ahi waxay ku xidhan tahay da'da, fahanka, xanuunka, daawaynta iyo khibrada daryeelka caafimaad.

Caruurta qaar ayaad moodaa inay la tacaalaan joogitaanka isbitaalka iyada oo aan dareemin, halka kuwa kalena ay si wayn uga jawaabaan, qaar ayaa markaba ka jawaaba, qaar kalena mar danbe. Jawaab celintan waxa noqon kartaa inay fahmi waayaan oo waxa ay dhici kartaa wakhti qariib ah ama waxaan la xidhiidhin daryeelka caafimaad. Jawaabaha ayaa muujin kara walaac; niyad jab, mooraal jab, ama in aanu hadal; in aanu firfircoonaan; ama mushkilado cuntada ama hurdada ah. Waa inaad la socotaa jawaabahan oo aad xaqiijisaa in aad u diyaar tahay inaad ka caawiso ilmahaaga hadii ay taasi timaado. Caruur iyo dhalinyaro badan ayaa qaba baahiyo badan oo cid ay u dhawaadaan ah maalintii oo waxaa dhici karta inay u baahdaan inay kula seexdaan habeenkii si ay markaa amaan u dareemaan.

Waxa aad la socotaa dareenka ilmaha, fikirkiisa iyo waxa uu tabanayo. Waxa aad ilmahaaga siisaa wakhti iyo isku dhawaansho ay ugu baahan yihiin inay dareemaan badqab iyo amaan. Waxa aad xasuusataa in dareenkaagu uu si yar oo fudud ugu gudbi karo ilmahaaga, markaa waxa aad isku daydaa inaad is dejiso hadii aad warwarsan tahay.

Waxa aad la xidhiidhaa adeegyada caafimaadka hadii aad qabto wax su'aalo ah ama wax aad ka shakidaa hadii ay jirto. Waxa aanu rajaynaynaa in aanu caawimaad iyo taageero ku siino.