Hadii uu ilmahaygu uu xanuun qabo

Xanuuka ayaa kala duwanaan kara: waxa uu ugu daran yahay marka la qaado ama la nasinayo. Ilmaha waxaa dhici karta inuu leeyahay damqasho marka uu nasanayo, hurdo ama ciyaarayo.

Waxa aad raacdaa talooyinka kaar jabiyaha ee lagu siiyay intii aad isbitaalka joogtay. Isku darka dawooyinka ee u shaqeeya qaababka kala duwan ayaa ugu wanaagsan. Waxa aad raacdaa shuruucda marka loo yimaado nooca dawada, xadiga iyo wakhtiga la qaadanaya si ay heer wanaagsan ugu hayso xanuunka dejintiisa iyo in la iska ilalaiyo "xanuunka oo soo laba kacleeya". Tani waxay khusaysaa xataa hadii ilmahaaga aanu u muuqan mid qaba xanuun wakhti xaadirkan.

Waxa aad u toosisaa habeenkii ilmahaaga si aad u siiso dawada, xataa hadii aad u aragto inay wanaagsan tahay in aan hurdada laga toosin. Caruurta iyo dhalinyartu dhakhso ayay dib hurdada ugu noqdaan. Tani waxay baajinaysaa in xanuunku uu uruuro kaas oo khalkhalin kara hurdada oo xataa ku adkayn kara in qaabab kala duwan loola tacaalo. Kaarjibayaha caadiga ah waxa uu sidoo kale ka dhigan yahay xadi yar oo dawo ah ayaa loogu baahan yahay guud ahaan, kaas jaraya khatarta saamayn caafimaad darada ah.

Jeedinta waxaa weeye qaab damqashada wax ka tara. Waxa aad mashquulin kartaa maskaxda ilmahaaga adiga oo ku jeedinaya inuu wax ka fikiro xiise leh ama wax uu jecel yahay inuu qabto. Waxa aad ku dhiiri gelisaa inuu ciyaaro geem, wax sawiro, heeso, online ku sheekeeyo, ama uu daawado fiidyawyo. Waxa aad sidoo kale ka caawin kartaa inuu is rogo, ama inaad gacmaha ama lugaha barkimo usoo dhigto ama dhabarkiisa. Kadib qaliinka cunaha, ha cabo ama cuno wax qabaw ama ha jaqo ayskiriim wada jilicsan.

Dhaqaaqa ayaa sidoo kale ka caawin kara baqabka iyo jidhka inuu soo saaro kaar jabiyihiisa. Waxa aad raacdaa shuruucda dhaqdhaqaaqa ee lagu siiyay oo waxa aad ka dalbataa shaqaalaha inay sharciga ku dabaqaan kadib qaliinka ilmaha. Waa inaad maaxisaa oo aad ku dhiiri gelisaa ilmahaaga inuu u dhaqaaqo qaabab kala duwan oo sida uu sharcigan dhigayo ah. Badanaa waxaa jirta hawlaha gaas aan ilmahaaga loo ogolayn inuu sameeyo si kasta oo loo ilaaliyo. Dhamaan caruurta iyo dadka dhalinyarta ah waxa ay ka helaan hawada darayga ah, iyo dhaqaaqa marka jidhkooda iyo maskaxdoodu ay tahay inay kasoo bogsato joojitaanka isbitaalka.

Waxa aad la xidhiidhaa adeegyada caafimaadka hadii aad qabto wax su'aalo ah ama wax kaleoo aad ka shakiso wixii ku saabsan qaabka loo xakamaynayo damqashada ilmahaaga. Waxa aanu rajaynaynaa in aanu caawimaad iyo taageero ku siino.