Dadka waawayn ee qaata aragtida caruurta iyo caruurta aragtidooda qaata

Sida caruurta iyo dadka waawyan wax ku arkaan oo ay u dareemaan wax way kala duwan tahay. Waxyaabaha qaar ay dadka waawayn u arkaan inuu muhiim yahay ayaa si dhakhso ah u dhaafi kara caruurta iyo dhalinyarta. Waxa ay dadka waawayn u arkaan hawl caadi ah ayaa noqon kara waxa ay caruurtu ugu warwar badan yihiin. Markaa, dhagayso oo waxa aad ku xisaabtantaa aragtida ilmaha, dareenkooda, iyo waxa ay fahansanyihiin.

Si aad u buuxiso baahiyaha caruurta iyo dadka dhalinyarta ah, waxaa muhiim ah inaad ogaato waxa ay iska waydiinayaan. Sidee ayuu u fikirayaa oo uu dareeyaa? Sidee ayuu uga jawaabaa xaalada kala duwan ama dhacdooyinka? Sidee ayay ula tacaalaan? Waxa aad siisaa wakhti aad ku dhagaysato, kaga jawaabto, oo aad markaa ku qadariso aragtida ilmaha wixii dhici doona ama waxa hore u dhacay. Waxa aad u sheegtaa ilmahaaga in ayna jirin wax su'aal ah oo doqoniimo ah ama khaldan oo markaa la waydiiyaa qof. Waxa aad u fiirsataa su'aalaha, muuqaalka wajiga, iyo calaamadaha muujinaya sida ilmahaagu dareemayo. Waxa aad ugu sharaxdaa si run ah ilmahaaga hadii uu galayo qaliin. Weligaa ha odhan xanuun yeelan mayso hadii ay dhici karto inuu yeelan doono, laakiin waxa aad u sheegtaa in badanaa xanuunka uu joogsan doono ama yaraan doono.