Caruurta waxbarashada aan gaadhin (3 - 6 sano)

Caruurta aan gaadhin waxbarashada waxa ay ku nool yihiin caalam khayaal ah iyo fikiro mala awaal ah.

Caalamkooda, shayadu waxa ay isku dhax galaan oo ay isku raacaan qaab layaab leh. Sababta iyo saamaynta waxaa laga yabaa inayna garanaynin, taas oo markaa keeneysa inay caruurta dareen kale yeeshaan. Waxaa ku adkaan kara kala saarida dareenkooda gudaha iyo caalamka dhanta ah ee banaanka. Tusaale ahaan, xanuunku waxa uu ilmuhu u arki karaa wax banaanka ka yimaadaa, laakiin waxa uu ka iman karaa gudaha lafteeda.

Ilmuhu si wanaagsan uma fahansana waxa uu gudaha jidhku yahay. Waxa ay u arkaan in dhamaan qaybaha jidhku ay nugul yihiin oo markaa waxa ay aad uga baqaan dhaawaca jidhka. Markaa waxaa muhiim ah in la ogaado qaybta jidhka ee la dawaynayo, iyo qaybta aan ku jiraynin. Maadaama oo caruurtu marka ay intan le'eg yihiin ay siyar oo fudud u dareemi karaan danbiile, waxaa sidoo kale muhiim ah inaad u sharaxdo in xanuunkan ama xaalado aanu khaladkeeda isagu lahayn.

Ilaa inta ay gaadhayaan da'da dugsiga, caruurtu waxa ay aad uga baqaan waxa aan la garaynin qaabka ruuxda, xayawaanka ama faraha wajiga gashan. Caruurta qaar ayaa markaa baqdin ku jawaaba marka ay arkaan shaqaalaha oo xidhan masar ama markaa xidhan waji gashadka qaliinka.

Diyaar garaynta ilmaha da'dan ah waa in la gaabiyaa oo markaa la fududeeyaa. Caruurta waxa ay wax ku bartaan ciyaar oo "bacda dhakhtarka" ayaa markaa noqon karta wax waxtar leh. Caruurta aan gaadhin da'da dugsigu waxa badan kama yaqaanaan wakhtiga. U diyaarinta waxaa wanaagsan in todobaad ay socoto, oo markaa faahfaahin dheeraad ah maalintaas ama laba maalmood kahor maalinta ay isbitaalka galayaan la siiyo.