Caruurta ilaa 3 jirka ah

Marka ay caruurtu koraan, waxa ay korta baahita waxa ay garayaan iyo wixii ay qaban jireen ee markaa ay amaanka ku dareemi jireen. Waxaa caadi ah inay yeeshaan mudo ay dareemaan inay ka baqaan dadka ayna garanaynin. Waalid ama koriya ahaan, inaad halkaas ugula tagto wixii caadiga ahaa ee aad qaban jireen waxa ay siinaysaa dareen amaan ah ilmahaaga.

Sharax degdeg ah oo fudud oo waxa socda ah ayaa ku filan caruurta da'dan ah. Waxaad, tusaale ahaan, ka sheekeyn kartaa caruusad ama alaabta lagu ciyaaro oo markaa xanuunsanaya oo markaa loo baahan inuu isbitaalka la geeyo. Waxa aad tilmaamtaa meesha caruurta ama alaabta lagu ciyaaraa ay ka xanuunsanayso, oo waxa aad u sheegtaa in sidaa ay xaaladaadu lamid tahay. Waxa aad iska ilaalisaa inaad ka sheekeyso waxa jidhkiisa ku jira, ama waxa laga qaban doona halkaas, maadaama oo ayna caruurta yaryar macluumaadkaasi fahmin. Caruurta ka yaryar 3 sano jirka wakhtiga si wanaagsan uma yaqaanaan, markaa waa in wakhti hore la diyaariyaa. Maalinta ka horeysa, ama maalinta booqashada isbitaalka ayaa caadi ah.