Caruurta (6 - 12 jirka ah)

Marka caruurta ay gaadhaan da'da waxbarashada waxa ay markaa kala sheegi karaa wixii mala awaal ah iyo waaqiciga. Waxa ay markaa jidhkooda u qaybiyaan qaybo, gacmo, lugo, iyo gudaha. Waxa ay kala garan karaan farqiga u dhaxeeya sida wax u samaysan yihiin iyo sida ay u shaqeeyaan.

Da'dan, ilmuhu waxa uu garanayaa marka auu xanuunsado maadaama oo isbadal uu ku yimaado gudaha oo markaa ayna ahayn oo kaliya awoodaha banaanka. Xanuunka uma arko sixir ama ganaax, laakiin inuu keeney caabuq baakteeriya ama fayrus, tusaale ahaan. Laakiin, fikirka sixirku waxa uu iman karaa ilaa sanadaha dhawr iyo tobanka sano jirka ah sanadaha loogu isku buuq badan yahay. Waxa ay si wanaagsan ula socdaan jidhkooda markaa. Waxa ay u arki karaan in daawayntu uu waxyeelo leeyahay ama way ka baqan karaan in jidhkoodu isbadali doono. Sida caruurta yaryar oo kale ay u gartaan qaybta jidhkooda ee ladawayn doono iyo qaybaha aan la dawaynaynin.

Caruurta da'dan ahi waxa ay ka baqaan agabka ay ku arkaan tiyaatarka qaliinka. Waxaa weeye sidoo kale da'dan marka ay bilaabaan inay ka fikiraan dhimashada. Waxa ay hurdada la xidhiidhin karaan dhimashada, oo caruur badan oo waxay ka warwaraan inayna kasoo toosi doonin qaliinka. Deji adiga oo u sheegaya in markaa si taxadir leh loo ilaalinayo mar kasta oo ay hurdaan ilaa inta ay kasoo toosayaan.

Waxa aad diyaar garawga u bilawdaa ilmaha da'dan ah todobaad kahor inta aynaas qaban isbitaalka. Marka la is barbar dhigo caruurta yaryar, caruurta da'dani aad ayay u daneeyaan waxa ku dhici doona inay ogaadaan. Markaa, u diyaari adiga oo markaa ka duulaya su'aalaha ay ku waydiinayaan. Waxa aad ku dhiiri gelisaa isticmaalka sawirka iyo farshaxanka si ay kuugu sheegaan waxa ay ka fikirayaan oo ay ka warwarsan yihiin.